Muuqaal: Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka Alshabaab, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan Laascaanood

06 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcada kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Khawaarijta, amniga, ilaalinta xasilloonida iyo arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Madaxweynaha ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada arrinta ka taagan Laascaanood, isagoo maamulka Sonaliland ka codsaday inay dad dejiya oo la hadla usoo diraan shacabka magaaladaas.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka codsaday reer Laascaanood, oo uu xoog ku haysto maamulka Muuse Biixi, inay joogiyaan hadala colaada iyo dhiilada wata.

About The Author