Sawirro: Axmed Karaash oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Isgaadhsiinta & Tiknoolojiyada DFS

08 Jan 2023 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Weftiga oo ay kamid ahaayeen qaar kamida Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ku metela deegaanada SSC iyo Saraakiil ayaa u yimi wadatashiyo ku aadan xaalada guud ee deegaanada ay metelaan iyo sidii talo midaysan looga qaadan lahaa Xasuuqa iyo barakaca joogtada ah ee lagu hayo shacabka Laascaanood.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirada Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Puntland iyo Xildhibaan Macow oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

About The Author