Wasiirka Maaliyada DFDS, Galmydug, HirShabelle, KG & Jubaland oo heshiis ku gaaray Muqdisho

11 Jan 2023 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada ee Dawladda Federaalka S oomaaliya iyo kuwa Dawlad gobaleedyada dalka, (Bartamaha iyo Koo nfurta Soomaaliya), oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa heshiis ku gaaray in lacagaha laga helo Beesha Caalamka, loo qeybsado 60% ay qaadanayso Xukuumadda Faderaalka iyo 40% oo ay qaadanayaan dawlad gobaleedyada iyo gobalka Banaadir.

Puntland ayaa horey u diiday in hanaankan loo qeybsado lacagaha Kabka Miisaaniyada ee ka yimaada Beesha Caalamka, waxaana fadhiga hadda ka maqnaa wasiirka Maaliyada Puntland oo aan shirkan ka soo qeybgalin, ka dib markii Madaxtooyada Garowe hoos u dhigtay wada shaqeynta Federaalka.

Talaabada maqnaanshaha Puntland ayaa dhaawacaysa hanaanka deyn-cafinta oo 5tii sanno ee la soo dhaafay dhammaan dhinacyadu isku raacsanayeen in laga wada shaqeeyo.

About The Author