Xil Macalimuu “Hindise Sharciyeed Sharci darro ah ayaa sharci darro lagu ansixiyay”

15 Jan 2023 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan golaha Shacabka BJFS ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook ku caddeeyey in sifo sharci daro ah uu Golaha Shacabku u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman.

Sida ku cad qoraal loo diray Xildhibaanada Golaha iyo mid kale oo uu qoray Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wuxuu hindisuhu ku gudo jiray akhrintiisii labaad, taas oo aan lagu ansixin karin sida Sharcigu tilmaamayo.

Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman ayaa waxaa gadaal ka riixayey madaxweyne Xasan Sheekh, waana sababta loo baal maray sharciga.

Sidoo kale maalin sii horaysayna ayaa waxaa xeer lagu ansixiyey iyadoo aysan golaha joogin kooramkii uu ku ansixi lahaa.

Hoos ka akhriso qoraalka Xil. Macalimuu:

Hindise Sharciyeed Sharci darro ah ayaa sharci darro lagu ansixiyay.

Shalay oo Sabti aheyd 14ka Jannaayo kulanka Gollaha shacabka ajendihiisa waxaa ugu horreeyay aqrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman sida ku cad fariintii loo diray xubnaha Gollaha Shacabka iyo qoraalka Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Gollaha Shacabka ee halka hoose ku lifaaqan.

Sida ku cad Xeer Hoosaadka Gollaha Shacabka qodobkiisa 84aad sharci kasta waa inuu maraa sadax aqrin ka hor ansixintiisa (Fiiri lifaaqa hoose ee Xeer Hoosaadka Gollaha Shacabka )

Hadaba iyada oo shalay ay aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golllaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn.

Baarlamaanka waa cunsurka koowaad ee dowladnimada ,waana halkii la rabay in laga toosiyo ku xadgudubka shuruucda iyo korjoogteynta hey’adaha fulinta. Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Gollaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka ,Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.

Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho ,natiijada iyo maxsuulka ka dhalan kara sharciga oo la baal maro qof kasta oo weyn waa garan karaa. Dadka Soomaaliyeedna Allahooda ayay qabaan.

About The Author