Sawirro: Islaan Bashiir oo si diiran Gaalkacyo loogu soo dhaweeyey

15 Jan 2023 (Puntlandes) Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo safar dibadda ah ku maqnaa ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf.

Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, Isimo, Nabadoono, odayaal dhaqan, waxgarad, siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahanno iyo dhalinyaro ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta Gaalkacyo loogu sameeyay Islaan Bashiir.

About The Author