Sawirro-Muuqaal: Garaad Jaamac Garaad Cali oo 15 sano kaddib si diiran loogu soo dhaweeyey Laascaanood

23 Jan 2023 (Puntlandes) Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Garaad Jaamac ayaa muddo 15 sano ah tagin Laascaanood, kaddib markii 2007dii ay Somaliland ka qabsatay Puntland. Waxaana tan iyo xilligaas uu dibad joog ka ahaa magaaladii lagu caanoshubay.

Bishishii hore dabayaaqadeedii ayaa waxaa ka bilowday magaalada kacdoon shacab kadib markii ay u adkaysan waayeen dilal loo gaysanayo waxgaradka magaaladam kaas oo keenay inay magaalada ka baxaan Ciidanka Somaliland iyo inay soo galaan dhamaan Isimida SSC.

About The Author