Madasha siyaasadda Puntland oo ka soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan musuqmaasuqa & marin habaabinta ku hareereysan mashaariicda Puntland

28 Jan 2023 (Puntlandes) Madasha siyaasadda Puntland ayaa ka soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan musuqmaasuqa iyo marin habaabinta ku hareereysan mashaariicda Puntland.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa war saxaafadeedka ku tiri “Madasha Siyaasadda Puntland waxay dareensantahay in Puntland u baahan tahay mashaariic lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha si nolosha bulshada Puntland isbedel wanaagsan loogu sameeyo”

Madasha ayaa ku sii dartay “Waxaa nasiib daro ah in Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni uu baahida shacabka uga faa’iideysto xaraash hantida qaran isaga oo ku andacoonaya inuu dalka maalgashi ka abuuray. Madashu waxay walaac wayn ka qabtaa daahfur la’aanta iyo musuqa baaxadda leh ee hareeyay mashaariicdaan kuwaas oo aan ka xusi karno:”

About The Author