Sawirro: Shirka aayo katashiga gobolada SSC oo furmay

28 Jan 2023 (Puntlandes) Shirka aayo katashiga gobolada SSC ee Isimada Dhaqanka ayaa maanta ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, ayaa martigelinaya shirka iyadoo ay ku dhan yihiin dhammaan isimada gobolada SSC.

Muddo saddex maalmood ah ayuu socon doonaa shirku, waxana la filayaa in qodobo laga soo saaro dhammaadka shirka.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa yiri “Gogosha annaa dhigay lkn taladu wey inoo wada taallaa oo ninna gaar uma laha waayo wadada la marayo ayaa adag” Abwaan Cali Dhuuxna wuxuu yidhi “Waxaan uubateeyoba tolkay oodda soo jebiye” maanta waad dhan tihiin sowmaaha.

About The Author