Muuqaal: Gudoomiye Saleebaan “Shirka Laascaanood, maxaa aniga dhakada iga saaray, hayla soo qaadin baan ku iri”

28 Jan 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Ibraahim waxay saxaafadu wax ka waydiisay shirka aayo katashiga gobolada SSC ee Isimada iyo waxgaradka maanta ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gudoomiye Saleebaan ayaa yiri “Shirka Laascaanood, maxaa aniga dhakada iga saaray, hayla soo qaadin baan ku iri”.

Saleebaan, maalmo kahor wuxuu kasoo garab-muuqday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo bilowgii kacdoonka bulshada gobaladaas isku dayay in uu dajiyo, balse hadalkiisa cusub ayaa u muuqda quus siyaasadeed, oo ay Somaliland ka joogto xaaladda SSC.

Subaxnimadii hore ee saaka, Laascaanood waxaa ka tagey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif oo maalmihii lasoo dhaafay joogay magaaladan, si bulshada ugu qanciyo doonistiisa.

About The Author