Muuqaal: Hadaljeedintii Garaad Jama Garaad Cali ee furitaanka shirka SSC Laascaanood “halganku wuxuu soobilowday 2009kii..”

28 Jan 2023 (Puntlandes) Garaad Jaamac Garaad Cali oo khudbad ka jeediyey shirka aayo katashiga gobolada SSC ee Isimada iyo waxgaradka maanta ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay maanta meesha la joogo ay tahay mirihii halgan soo bilowday sanadkii 2009kii.

Sanadkii 2009kii ayaa waxaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya shir uu bud-dhige u ahaa Garaadku oo lagu dhisay Jamhadii SSC ee Xaglotoosiye madaxda looga dhigay.

Markii ay fashilantay SSC oo Xaglotoosiye la heshiiyey maamulka Somaliland ayuu misna Garaadku wuxuu hormood u noqday Shirkii Teleex oo lagu aasaasay maamulka Khaatumo State sanadkii 2012kii.

Maamulkii Khaatumo oo madaxweynaha ka ahaa AUN Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa isna la heshiiyey Somaliland.

About The Author