Muuqaal: Hadaljeedintii Garaad Jama Garaad Ismail ee furitaanka shirka SSC Laascaanood”nin wax gaar ah wata iyo nin wax u duuban yihiin midina ma jirayso”

28 Jan 2023 (Puntlandes) Garaad Jaamac Garaad Ismaciil oo khudbad ka jeediyey shirka aayo katashiga gobolada SSC ee Isimada iyo waxgaradka maanta ka furmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in uusan jiri doonin ni n wax gooni ah wata iyo koox wax gooni ah wadata.

Garaadka ayaa yiri ”nin wax gaar ah wata iyo nin wax u duuban yihiin midina ma jirayso waa haddii aynu doonayno in xaalada ay ku jirno ayni si wanaagsan oo miyir qabta uga baxno”

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa yiri ”Waxaan idin leeyahay anigoo idinla dardaarmaya, war hawsha aynu donaynaa deg deg uma baahna, war hawsha aynu donaynaa fudayd uma baahna, war hawsha aynu donaynaa talo yar oo hoose uma baahna, war hawsha aynu donaynaa guruub gaar ah uma baahna, war hawsha aynu donaynaa waxay u baahan tahay in wixii jira si cilmiyeysan oo akadeemiya, marxalada aynu doonaynaa inaynu ka talinaa waa 100 sano ee soo socda, waa in aynu si miyir leh oo miisaan leh aynu uga talinaa….”

Shirka ayaa shacabka SSC waxay ka filayaa goaano ay uga baxaan dhibka ay ku jireen 15kii sano ee u dambaysay iyagoo muujiyey midnimo iyo wadajir.

About The Author