Sawirro-Muuqaal: Puntland & Banggiga Adduunka oo kulan ku yeeshay Garowe, maxay ka wada hadleen?

29 Jan 2023 (Puntlandes) Wasiiro iyo Mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha Dowladda Puntland ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Garowe wafti ka socday Banggiga Adduunka oo ay hogaaminaysay Madaxa Bangiga ee Soomaaliya Mrs Kristina Svensson.

Kulanka oo uu shir guddoominaayey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayna ka qayb galeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta, Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dowlaha Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtoyada, Agaasime ku-xigeenka Banggiga Puntland, Xisaabiyaha Guud iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda.

Shirka waxaa si qoto dheer looga wada hadlay mashaariicda horumarinta ee Banggiga Adduunka ka fulinayo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Shirka ayaa ku soo dhammaaday in Dowladda Puntland iyo Banggiga adduunku ka wada shaqeeyaan xoojinta Dowlad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan in hirgelinta Mashaariicdu noqdaan kuwa waafaqsan hannaanka Federaalka Dalka.

About The Author