Muuqaal: Garaad Jama Garaad Cali ”Argagaxiso ma nihin Argaxiso aan ciidanka Somaliland ahayn oo Jooga Dhulkeena ma ogin, Muuse iyo Argagaxisadu waa wada shaqaystaan ”

31 Jan 2023 (Puntlandes) Garaad Jama Garaad Cali  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay inaysan gobolka ka jirin Argagaxiso aan ahayd madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa yiri ”Argagaxiso ma nihin , Argaxiso aan ciidankiisa -Somaliland – ahayn oo Jooga Dhulkeena ma ogin, Muuse iyo Argagaxisadu waa wada shaqaystaan , Aduunkana waxaan ugu baaqaynaa Aduunka intii hore ee aad dhibka uu noo gaystay ku caawiseen ayaa nagu filan”

About The Author