Muuqaal: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Somaliland ugu baaqay inay tixgaliyo rabitaanka shacabka SSC, kana hadlay

07 Feb 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda colaadeed ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku baaqay in degdeg loo joojiyo dagaalka ka socda magaaladaasi isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada ay dadkoodii ku wax yeeloobeen.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda in la tixgaliyo rabitaanka shacabka deegaanka xalkana loo maro hannaan wada-hadal iyo dib u heshiisiineed.

Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa yiri “Waxa Laascaanood ka dhacaya waan ka xunnahay , raali kama nihin , rabitaanka shacabka ha la ilaaliyo”

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in wada-hadal iyo isu-tanaasul lagu xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Puntland.

About The Author