Puntland oo sheegtay in aysan dagaalka Laascaanood qeyb ka aheyn

07 Feb 2023 (Puntlandes) Puntland ayaa sheegtay in aysan dagaalka Laascaanood qeyb ka aheyn, uuna u dhaxeeyo dadka deegaanka oo is difaacaya iyo ciidanka Somaliland oo awood u adeegsanaya.

Puntland waxay cambaareysay ficilada ciidanka Somaliland ee gumaad iyo hadalada Madaxda SL ee ah in ay dadka SSC yihiin, Argagixiso, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Puntland.

Aaya katashigda dadka SSC, ayay sheegeen in ay soo dhaweynayaan horeyna mawqifkooda u cadeeyeen.

Warka Garoowe ayaa beeninayay hadal kasoo yeeray Madaxtooyada, Wasiirka arrimaha gudaha, Wasiirka Warfaafinta iyo Taliska ciidanka Somaliland oo ahaa in ay ciidan Puntland ah dagaalka Laascaano ka qeyb yihiin.

About The Author