Muuqaal: Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ” amar diido waa dil Toogasho ah”

19 Feb 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland G/sare Cabdifataax Xaaji Aadan Axmed oo ka hadlay munaasabadii uu xilka kula wareegay ayaa sheegay inuu Maxkamadaynayo Saraakiishii ciidankii dhawaan hor istaagay in Garowe ay dhacdo diiwaangelinta aan heshiiska lagu ahayn.

Guddoomiye Cabdifataax oo nadaxweynaha Puntland ay qaraabo yihiin uuna xilkaan u magacaabay 6dii bishaan isla maalintii Garowe ay ka dhacday shaqaaqada lagu hor istaagay diiwaangelinta ayaa sheegay inuu ku xukumayo dil Toogasho ah Saraakiishii amar diido samaysay.

Guddoomiye Cabdifataax ayaa yiri ”Waxaan ku wada hadli doonaa xeerka Cinqaabta Soomaaliyeed, amar diido waa dil Toogasho ah”

Guddoomiye Cabdifataax oo ay ka muuqato hanjaad garab og ayaa ku sii daray ”Waxaan kale oo  talaabo sharciga waafaqsan ka qaadoonaa saraakiisha aan fulin amarka Maxkadda”

Sidoo kale nadaxweynaha Puntland ayaa u magacaabay 6dii bishaan Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Taaraan oo ay isna qaraabo yihiin.

About The Author