Muuqaal: Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo ku eedeeyey MD Muse Bixi inuu xasuuq ka gaystay Laascaanood

26 Feb 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq khaliif oo saxaafadda kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyey maamulka Muuse Biixi inuu magaalada Laascaanood ka gaystay xasuuq iyo barokin.

Gudoomiyaha oo ka hadlayey xilka uu hayo ayaa yiri “anigu waxaan metelaa Sool, ma metelo Burco, Hargeysa iyo Gabiley mana ihi nin u shaqeeya Muuse sida Wasiir Koore”

Gudoomiya oo ka hadlaya dhiigyacabnimada Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yiri ” Xarig walba oo nabadda lagu xiro waxa furfura Muuse Biixi.”

Gudoomiyaha ayaa sheegay in talada SSC u taal dadkeeda ayaa yiri “Talada SSC waxay ka go,daa isimada iyo gudida 33 ka ah, halka ay ku taliyaan ayaana lagu khasban yahay”

Gudoomiye Cabdirisaaq oo kufadhiyaa kursiga 3aad ee Somaliland ayaa caddeeyey:

1. In Somaliland xasuuq geysatey Laascaanood

2. In Muuse biixi masuuliyaddeeda qaadayo wixii dhacay

3. Inaysan waxba ka jirin waxaa Laascaanood ka dagaalamaya Argagiso iyo Puntland

4. Inay go’aanka SSC leeyihiin Isaimada iyo Guddiga 33 ah.

About The Author