Ciidamada SSC oo la wareegay magaalada Tukaraq

26 Feb 2023 (Puntlandes) Ciidamada SSC ayaa si toos ah ula wareegay magaalada Tukaraq oo ay Somaliland qabsatay bilowgii 2018kii, dagaal muddo socday ka dib.

Jabkii shalay ku dhacay Ciidanka Somaliland iyo gurmad badan oo gaaray magaalada Laascaanood ayaa ku kalifay inay saaka Ciidamada Somaliland ka yaacaan goobo badan oo fariisin u ahayd.

Magalaada Laascaanood dhankiida Garowe xigta gaar ahaan guriga gobolka iyo Hotel Xamdi ayey ka huleeleen Ciidan Somaliland.

Majirto goob ay Ciidanka Somaliland ku sugan yihiin inta u dhaxaysa Gambadhe iyo Garowe, iyadoo la filayo inay ka huleeli doonaan Xerada Goojacadde iyo Gambadhe oo iminka dagaal ka socday.

About The Author