Mareykanka oo 5$ Milyan dul dhigay Afhayeenka G Alshabaab

28 Feb 2023 (Puntlandes) Mareykanka ayaa markii u horreysay abaal marin gaareysa 5 milyan oo dollar dul dhigay Afhayeenka Guud ee Alshabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Barnaamijka Abaal Marinta Cadaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaacisay in Cali Dheere uu ku lug lahaa qorsheynta weeraro argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya.

Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda Alshabaab, iyadoo uu badanaa ka soo muuqdo warbaahinta kooxdaasi isagoo ku faanaya weerarada kooxdaasi oo ay dadka shacabka ah ku laayaan.

Cali Dheere dhowr jeer oo hore ayaa loo sheegay in la dilay, walow wararkaasi ay been abuur noqdeen.

About The Author