Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garowe ku booqday qaar ka mid ah Shacabkii kusoo dhaawacmay Laascaanood

01 Mars  2023 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa caawa Isbitaalka Somcare ee Garoowe ku booqday qaar ka mid ah Shacabkii kusoo dhaawacmay xasuuqa Maamulka Somaliland ku hayo Bulshada magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

“Isbitaalka Somcare Garoowe waxaan caawa ku booqday qaar kamida Shacabka ku wax-yeeloobay Xasuuqa Somaliland ka wado magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Aniga oo u kuur galay xaalada Caafimaad ee bukaanada iyo wixii baahi ah ee ay qabaan, Alle SWC Caafimaad taam ah ha siiyo qaarkood waa dad waayeel iyo caruur isugu jira oo hoobiye lagu garaacay iyaga oo guryahooda jooga.

Waan u mahadcelinayaa Maamulka, Dhakhaatiirta iyo Kal-kaaliyayaasha Caafimaad ee u guntaday la tacaalidda Shacabkooda xasuuqa loo geystay.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

About The Author