Muuqaal: Duqa Laascaanood oo ka warbixiyey shacanka ay Somaliland dishay, dhaawacday, barakicisay iyo guryaha burburisay

01 Mars  2023 (Puntlandes) Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Laascaanood, Duqa degmada Laascaanood ee gobalka Sool Cabdiraxiin Cali Ismaaciil ayaa sheegay in maamulka Somaliland uu 24 cisho uu dagaalku socday inay magaalada ku dishay 210 qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 680 qof.

Duqa ayaa sidoo kale sheegay in 200,000 qoys ay ku barakaceen duullaanka maamulka Somaliland kusoo qaaday Laascaanood, waxaana uu intaa ku daray in Ciidamada Somaliland ay laayeen dad safar ah.

 Duqa Laascaanood ayaa sheegay in Somaliland dumisay 715 guri, iyo shirkadda Korontada lana dhacday madaafiic culus, waxaana uu tilmaamay in 16,000 oo xarumo ganacsi ay ku xirmeen duullaanka maamulka Muuse Biixi kusoo qaaday Laascaanood.

About The Author