Muuqaal: Musharax Cirro oo sheegay inay Puntland duulaan faragalin ah kusameysay dagaalka Laascaanood

04 Mars  2023 (Puntlandes) Xisbiga Wadani Somaliland ayaa sheegay in ay Puntland duulaan faragalin ah kusameysay dagaalka Laascaanood, dhankoodana ay garab taagan yihii ka xisbi ahaan ciidamada Somaliland, si ay sugaan midnimada, soo celinta kala dambeynya Laascaanood.

Sidoo kale musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in dagaalka Laascaanod yahay dagaal Sokeeye, wuxuu sheegay in dagaalkaas ula mid yahay mid ka dhaca Hargeysa, Boorama iyo magaalooyin kale.

Dhanka kale Cirro ayaa ku eedeeyey ”koritaan la´aan siyaasadeed” isagoo madaxweyne Muuse Biixi waydiiyey dadkii iyo dalkii midaysnaa ee lagu waraeejiyey.

About The Author