Maxkamadda Ciidamada Puntland oo xukun toogasho ah ku fulisay xubno ka tirsanaa Alshabaab & Daacish

08 Mars  2023 (Puntlandes) Saaka ayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland waxa ay xukun toogasho ah ku fulisay Xukumanayaal ka tirsanaa Ururada Argagaxisada ee Alshabaab iyo Daacish kuwaas oo tiradoodu gaareysay isku geyn 13 nin.

Fulinta xukunka toogashada ayaa waxay ka kala dhacdey magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso.

Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu toogtey 5 nin oo ka tirsanaa Amniyaadka Alshabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga geystey xaafada Wadajir ee dhinaca Galmudug.

Garowe na waxaa lagu toogtey Shuceyb oo sanadki 2016 lagu qabtey dagaaladi Ciidamada Puntland kuwsoo Afjareen Argagaxisadi Puntland kusoo duushey sanadki 2016 ee ka dhacay Suuj, Garmaal iyo Kulub balse intii Cafis loo fidideyey kusoo laabtey Garowe isagoo dilal hor leh kasoo geystey magaalada Muqdisho.

Bosaso waxaa lagu dilay mid kamid ah Shabakadihi dadka Reer Bosaso madaxa u duuban jirey ee marar kala duwanaa ka tirsanaa Daacish iyo Alshabaab oo tiradoodu gaareysay 6 nin.

About The Author