Muuqaal: Taliye Nuux Taani “Awood baanu u leenahay in aanu Laascaanood ka saarno kuwa isasoo urursaday”

08 Mars  2023 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Somaliland Nuux Taani oo ka hadlay dagaalka magaalada Laascaanood ayaa sheegay inay awood ciidan dib ugu qabsan karaan magaaladaas laakiin ay shacabka u turayaan.

Nuux Taani ayaa yiri “Awood-baanu u leenahay in aanu Magaalada Laascaanood ka saarno kuwa isa-soo urursaday Laakiin Dadka ayaanu u tudhayna”

Banaanbaxyadii ka kala dhacay xalay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco ee lagu taageerayey Duqaymaha ay ciidamada Somaliland ka wadaan magaalada Laascaanod iyo hadalkaan uu jeediyay Taliye Nuux Taani waxay caddaynayaan inaysan jirin waanwaan uu maamulka Muuse Biixi askartiisa ugala baxayo gobolka Sool.

Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya ayaa waxay wadeen maalmihii u dambeeyey waanwaan uu maamulka Muse Biixi ciidamadii ugala baxayo deegaanada SSC.

About The Author