Sawirro: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo furay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga

13 Mars  2023 (Puntlandes) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta furay Shirweynaha Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga oo Garoowe ka socon doona muddo saddex cisho ah kaasi ay ka qeybgalayaan Ganacsato iyo maalgashadeyaal wadamo kala duwan ka socda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shirweynahan oo uu tilmaamay in wax weyn laga faa’idi doono, xagga Ganacsiga iyo Maalgashiga , Ka Dowlad ahaana Puntland soo dhoweynayso in la maalgashto Dalka .

Furitaanka Shirka Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Puntland, waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga oo iyada soo diyaarisay Kulanka iyo Goleyaasha kale ee Dowladda Puntland, Rugti Ganacsiga , Ganacsato Soomaali iyo Ajaanib ah, Wakiillo ka socda wadamo, Ururo iyo Hay’ado iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Dowladda Puntland ayaa ahmiyad gaar siinaysa kobcinta, dhaqaalaha , ganacsiga iyo maalgashiga waana shirkii labaad ee ku saabsan Maalgashiga oo lagu qabto Puntland. Shirkii kan ka horeeyay waxaa la qabtay 15-kii September 2019.

About The Author