Muuqaal: Madaxweyne Biixi “Ma aqbalayno in Puntland soo faragaliso xaalka Sool”

14 Mars  2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay magaalada Hargeysa ayaa in aysan aqbaleyn in Puntland si qabyaaladeed u faragaliso xaaladda Laascaanood, isagoo sheegay in shacabka SSC ay yihiind Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa yiri “Dawlad ahaan xabad joojin isxakameyn ayaannu ku dadaalaynay, tiro sadex goor alle’se ma qadarin oo dhibkii way taagan tahay, dad inaga ah mid ayaan tabasha qaba oo ay tahay in la xaliyo, dawladdaha nagala shaqeynaya nabad raadinta iyo ururada daacada ah waan soo dhaweynaynaa Maanta waxa jooga haloo taliyo, Ma aqbalayno in ay Soomaaliya-gaar ahaana Puntland soo faragaliso xaalka Sool, iyadoo hab qabyaaladeed u imaanaysa”

Madaxweyne Biixi ayaa yiri “Dawladda Itooobiya oo na tiri aanu wax idinla qabanno waanu ogolnahay laakiin qaabka arrinta lagu gelayaa waa arrin Somaliland dhexdeeda ah, gobolka Sool Garaaddada ayaa ka mas`uul ah diyaar baanuna u nahay inaanu la hadalno, madax-dhaqameedkayaga ayaana u istaagay waana iga wakiil wixii ay keenaan ee nabad lagu helayana diyaar baan u ahay”

About The Author