Sawirro-Muuqaal: Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo munaasabad sagootina usameeyay Waxgarad ka yimid gobolada Doollo & Mudug

14 Mars  2023 (Puntlandes) Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax oo ay weheliyaan Nabadoonada, Odoyaasha dhaqan, aqoonyahanka iyo waxgaradka magaalada Caabudwaaq ayaa u sameeyey munaasabad sagootin ah Nabadoono iyo Waxgarad ka yimid gobalka Mudug ee Puntland iyo gobalka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Wafdigaan ayaa kusugnaa magaalada mudooyinkii u dambeeyey, iyagoo halkaas u tagay isku xirka shacabka ehelka ah ee ay ka dhaxayso dan badan oo mudooyinkii u dambeeyey si u kala daadsanayaa.

Ugaas Maxamed ayaa ugu horayn soo dhaweeyey wafdiga wuxuuna ku bogaadiyey hawsha fiican ee ay Caabudwaaq u yimaadeen isagoo soo dhaweeyey in gacmaha la isqabsado, lana iskaashado dhan walba.

Sidoo kale dhamaan Nabadoonadii iyo waxgaradkii munaasabadda ka hadlay waxay si isku mid ah usoo dhaweeyeen in gacmaha iyo laabta la isku furo lagana wada shaqeeyo danta dadka ehelka ah.

Ugu dambayntii wafdiga ayaa u mahadceliyey Ugaaska iyo Beesha sida sharafta leh ee loogu soo dhaweeyey Caabudwaaq loolana qaatay arintii ay u socdeen.

About The Author