TPEC oo shaacisay wadarta guud ee is Diiwaangelisay gobolada iyo degmooyinka Puntland

26 March 2023 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, (TPEC), ayaa kulan ay ku yeesheen xarunta dhexe ee Guddiga waxay ku ansixiyeen liiska rasmiga ah ee codbixiyayaasha Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland.

Hoos ka akhriso xogta liiska rasmiga ah ee gobolada, degmooyinka iyo goobaha codbixinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland.

Dhanka kale waxaa liiskan ku cad goobaha rasmiga ah ee Bulshadu ka codeynayaan maalinta doorashada ee 25-ka Mey 2023.

Codbixiyayaasha isdiiwaangeliyey oo ah 387, 094 qof ayaa kala ah:

1-Gobolka Bari: 99,335, (waxaa ku jirta degmada Ufayn 9,412 (9,902) oo horay doorashaduu uga dhacday!!)

2-Gobolka Gardefuu: 14,196

3-Gobolka Karkaar: 47,168, (waxaa ku jirta degmada Qardho 24,658 (24,541) oo horay doorashaduu uga dhacday!!)

4-Haylaan: 9,769

5-Mudug: 100,687

6-Sanaag: 21,452

7-Nugaal: 94,487 (waxaa ku jirta degmada Eyl 10,738 (10,715) oo horay doorashaduu uga dhacday!!)

About The Author