Musharaxa Duqa Degmada Gaalkacyo Cawil Cabdile oo loo magacaabay Gudoomiyaha Ururka SINCAD Ee degmada Gaalkacyo.

28 March 2023 (Puntlandes) Musharaxa Duqa Degmada Gaalkacyo Cawil Cabdile oo loo magacaabay Gudoomiyaha Ururka SINCAD Ee degmada Gaalkacyo.

Musharaxa ayaa qoraal uu baraha bulshada soo dhigay ku yiri “Aniga iyo kooxdaydu waxaan awoodda saaraynaa sidii uu ururku ugu fidi lahaa dhammaan degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Mudug, iyo sida uu guulo waawayn uga keeni lahaa doorashooyinka qof iyo cod ee dhawaan ka qabsooni doona Puntland.”

Musharaxa ayaa ku diiray “Waxaan cid kasta oo qadiyadeena taageersan ugu baaqayaa in ay udiyaar garoobaan shaqo xoog leh oo dhawaan ka qabsoomi doonta degmada Gaalkacyo iyo dhammaan Gobolka Mudug, shaqadaas oo noqon doonta dhammaadka mashaakilkii haystay Gaalkacyo, iyo bilowga maalmihii gobonimada iyo naruurada.”

About The Author