Sawirro: Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Gaadiid Ciidan kala wareegay Dowladda Turkiga.

28 March 2023 (Puntlandes) Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Gaadiidkaan oo loogu tala galey in lagu tayeeyo Ciidamada Xooga gaar ahaan Gor Gor kala wareegay Dowladda Turkiga.

“Waxaan maanta dekada Muqdisho kula wareegey gaadiid ay noogu deeqdey Dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, Waxaan u mahad celinaayaa Shacabka iyo Dowlada Turkiga oo hiil iyo hooba la garab taagan xaalad kasta walaalahooda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

About The Author