RW Xamse oo markuu tixgeliyay Talada Madaxweynaha magacaabay xubno wasiirro ah

03 May 2023 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Markuu tixgeliyay Talada Madaxweynaha waxa uu magacaabay labo xubnood oo ka mid noqonaya golaha wasiirrada DFS.

Labada Xubnood ayaa kala ah:

1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Xilka loo magacaabay Xildhibaan C/kariin Cabdow Xeydar ee Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa waxaa horay isaga casilay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug.

Sidoo kale Xilka loo magaabay Axmed Jaamac Cumar ee Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa waxaa horay u baneeyay Sulub Axmed Firin, kaddib markii loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

About The Author