Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo magacaabay guddiga kasoo talo bixinta wax-ka bedelka dastuurka Puntland

06 May 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 06 May, 2023 magacaabay Guddiga kasoo talo bixinta Wax-ka bedelka Dastuurka Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu:

MARKUU ARKAY: Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 139-aad.

MARKUU ARKAY: Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobadiisa 8-aad faqradiisa 11-aad iyo 3-aad farqadiisa 22-aad.

MARKUU ARKAY: Soo gudbinta Madaxweynaha Tixraac MW/DPS/52/2023 ee 06/05/ 2023

MARKUU LA TASHADAY: Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada.

WUXUU MAGACAABAY: Guddiga Magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, si ay falan-qeyn ugu sameeyaan wax-ka-beddelka Dastuurka Dawladda Puntland ee Xukuumaddu soo jeedisay, kadibna Golaha u soo gudbiyaan talobixintooda.

1. Xil. Sharmarke Cali Cilmi ( Guddoomiye)

2. Xil. Maxamed Cabdi Faarax ( Xubin)

3. Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( Xubin)

4. Xil. Cabdiraxmaan Cali Jibriil (Xubin)

5. Xil. Maxamed Cabdi Warsame (Xubin)

Waxaa Guddiga kaalinaya Agaasimaha Xeerarka iyo Xeer-dejinta Golaha Wakiillada DPL Cabdinuur Xasan Maxamed iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiillada Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamed

Wada-shaqeyn Wacan

Mudane. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL

About The Author