Damaca muddo kororsiga ee Deni oo la kulmaya mucaarad, xagal daacina ku ah difaaca Laascaanood

06 May 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha mudo xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa la kulmaya mucaaradkii ugu xooganaa, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay warbaahinta ay qabsadeen siyaasiyiinta Puntland oo ay ku jiraan Madaxweynayaal isaga kursiga uga horeeyay kuwaas oo diidan damaca Madaxweynaha ee mudo kororsiga uu ku doonayo.

Deni ayaa dabayaaqadii sanadkii tagay magaalada Burtinle hadal uu ka jeediyay si cad uu ugu muujiyay damaciisa waqti kororsiga, hadalkii uu xiligaas jeediyay ayaa u ahaa sidatan ”Madaxweynayaashii hore mid aan ku darsan ma leh”

Mana jiro madaxweyne ka horeeyey oo sameeyey muddo kororso, waxayna hadalkaas dadka siyaasada falanqeeyaa ku qeexeen in isaguna uu ku jiro damac mudo ku darsi ah.

Muddo kororsiga oo shacabka reer Puntland ay tuhunsanaayeen ayaa hada banaanka timid kadib markii Deni iyo Golaha wasiiradda ay gacan taag u sameeyeen in dastuurka Puntland la furo oo wax kabadal lagu sameeyo iyadoo xisbiyada Siyaasadda 5 xisbi uu noqdo halka ay iminka yihiin 3.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ayaa walaac xoogan ka muujinaya khatar ka dhalan karta wax kabadal lagu sameeyo jadwalka doorasho ee 5tii sano mar ee dalka uu galo taas mudo 20 sano kabadan lagu soo dhaqmayey inay doorashada madaxweynaha dhacdo 8da janaayo 5 kadib muddo madaxweynaha oo ah.

Mudo kororsi xiligaan Puntland xal uma ahan sida ay qabaan Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland, waxaysan kaloo xal u ahayn oo xalag daacin ku tahay Shacabka SSC iyo walaalahooda u gurmaday oo dagaalka Muuse Biixi kula jira magaalada Laascaanood.

About The Author