Dastuuriga ah ee Puntland oo loo gudbiyey cabasho dastuuri ah oo ka dhan ah go’aannadii Baarlammaanka iyo Maxkamadda sare ee hore ee xasaanadda uga qaadeen 8da Xildhibaan

07 May 2023 (Puntlandes) Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa maanta loo gudbiyey cabasho dastuuri ah oo ka dhan ah go’aannadii Baarlammaanka iyo Maxkamadda sare ee hore ee xasaanadda looga qaadeen 8-da Xildhibaan ee Puntland.

Garyaqaan Horreeye Siciid oo qareen u ah siddeeda mudane ayaa dacwadda u gudbiyeu maxkamadda, isaga oo sharci-darro ku tilmaamay sida xasaanadda looga xayuubshey xildhibaannadaasi.

Dacwaddan ayaa noqonaysa cabashadii ugu horraysey ee dastuuri ah Soomaaliya guud ahaan, tan iyo markii la dhisay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland.

About The Author