Agaasime kale oo Kooxda Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ka mid ah isla markaasna ay isku jifo yihiin oo uu magacaabay

0

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay in Madaxweynaha Dowlada Puntland uu u magacaabay Agaasimaha Hay’adda Maalgashiga iyo Horumarinta Puntland (Puntland Investment And Development  Authority), PIDA ,C.abdinaasir Maxamud Guray oo la dhashay Alle ha u naxariisto C.shakuur Maxamud Guray oo maalmo ka dib markii loo magacaabay Agaasimaha isla Hay’addan ku dhintay shil gaari.

Warbaahinta Puntlanddes ayaa warkan ka soo xigatay dad ka agdhow Dr Gaasu in loo magacaabay Agaasimaha  ( PIDA) Abdinaasir Maxamud Guray.

Madaxweynaha Puntland DR Gaas ayaa joojiyey in uu dikreetooyinka uu ku magacaabayo madaxda dowlada u soo gudbiyo saxaafada si loo faafiyo sababta oo ah ma magacaabo cid aan jifo hoosaadkiisa ahayn isla markaana aan kooxdiisa ka tirsanayn.

Warbaahinta Xorta ah ee Puntlandes waxay akhristayaasheeda u soo gudbin doontaa haddii allah idmo dadka uu ilaa hada magacaabay Dr Gaas iyo cida ay yihiin ee ha ka agdheeraan Puntlandes.  Wali maaha wax dhacay arinta uu Dr Gaas samaynayo.Dr Gaas oo balanqaadyadiisii uu xilka ku yimid  ay ka mid ahaayeen “isbedel” baan samaynayaa, borwaaqaana Puntland baan gaarsiinayaa. Aaway dadkii wado dhistay Puntland mise uma qalmaan in ay xilal ka qabtaan dhulkooda?

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *