AKhriso: Bayaan siyaasadeed oo laga soo saaray Garowe

0

Garowe (Pes): Xubno ka tirsan Gollihii Samata bixinta Puntland. Golahaas oo uu horey uga mid ahaa Madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Garowe ee caasimada Puntland. Wuxuuna golihii hore ee Dr Gaas waxay soo saaray maanta qodobo dhowra oo ay ugu baaqayaan Madaxweynaha in looga fadhiyo taabo galinta iyo hir galinta dhowr qodob oo ay usoo jeediyeen.

Waxayna soo saareen 5 qodob oo kal ah:

1-   Waxaan ku baaqaynaa in loo sameeyo dalka maxkamadii dastuuriga ahayd oo uu madaxweynuhu balanqaaday 3 bilood gudahood in uu ku soo dhisayo taasoo shacabka Puntland iyo beesha caalamku ay markhaati ka ahayd balanqaadkaas.

2-   Shirkii dib u heshiisiintii beelaha Sool in loo wejaho si mideesan ee aan la kala qaybin isimada Gobolka Sool

3-   Xisbiyadii siyaasadeed ee uu madaxweynuhu balan qaaday 6 bilood gudahood shacabka iyo beesha caalamka ay marag ka ahaayeen waxaan codsanaynaa in balantii dib u dhacday in dowladu cadayso in ay  furayo iyo in aan la furayn.

4-   Waxaan codsanaynaa qodobka 83aad ee awooda saddexda gole ee dowlada ee u ogolaanaya golaha wasiirada awoodooda in aan lagu xadgudbin madaxweynuhuna uu ku ekaado qodobka 80aad ee awoodiisa taasoo qeexaya 19 awoodood.

5-   Waxaan codsanaynaa in cadaaladii uu madaxweynuhu balan qaaday laga helo lana joojiyo agaasimayaasha la wareegay awoodii wasiirada kuwaas oo madaxweynuhu ku sheegay agaasimayaal madaxbanaan.

Bayaankii ay soo saareen hoose ka eeg.

402

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *