Quality:ga Dadka maanta Puntland u taliya

0

Waxaa soomalida ku dhaqan daafaha caalamku ka sheekaystaan isbedelkii waynaa ee ka dhacay Puntland laga soo bilaabo 8 January 2014. Waxaa loo hanwaynaa rag badan oo aqoon loo tirinayey oo isa soo sharaxay iyadoo waliiba dawladdii horey ujoogtayna aanay iyada laftigeedu dab yar shidayn xaga aqoonta (tusaale  Cabtiraxamaan faroole wuxuu haystay PhD, xukuumadana waxaa ka buuxay wasiiro badan oo taas oo kale haysta ). Marka taa laga duulo waxay dad badani filayeen in wixii usoo baxaaba  uu noqonayo guul aad u wayn, allah baa wayne.

Dawladdii hore xukuumad iyo hay,ado kaleba waxay qabteen wax muuqda oo lataaban karo. Waxay waliba ku darsadeen difaaca danaha Puntland, marka laga reebo hal meel oo ahayd qaybo kamid ah gobolka Sool. Waxay laakiin ku fara adaygeen intii ay u yimaadeen, waxayna mar walba tilmaami jireen in ay inta dhimanna soo celin lahaayeen laakiin ay caqab xoogle ku noqdeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo koox uu kamid yahay Cali Khaliif oo u dhashay Gobolka, marna sameeyey SSC marna Khaatumo oo bixiyey ereyo aan hore loo aqoon ah cadawga labada dhinac, laakiin markii danbe la ogaaday in ay sheekadu ahayd ka jar oo ku dar. Taas oo ka dhigan, duukh ninkii lahaa dabada hayyo cidina ma kicin kadho.

Hadaba maxaa dhacay?

Waa tii la ogaa oo doorashadii one man one vote:ka ahayd ay ka, hor yimaadeen Dr Gaas iyo koox aan ka xusi karno lataliyihiisa dhinaca amniga Cabdulaahi siciid samatar iyo Maxamed cali Yuusuf (Gaagaab) oo isagana aan u malaynayo in uu yahay  lataliye qarsoon iyo waliba koox iyagu markaa dana gaar ah lahaa (hada xusuuso in inta xabad sheekadu gaartay oo dad la laayey uu Madaxwaynihii markaas jirey Cabdiraxmaan Faroole  qaatay Go,aan  geesinimo ahaa oo uu ku joojiyey doorashadi dadka puntland ay qof qof ugu ridi lahaayeen ciday doonaan si dadka inta nool loo badbaadiyo)

Waa tii qaar kamid ah issimadu ay mid mid isugu qabsadeen soo xuliddi baarlamaanka (ogoow isku qabsigaasi hore umuusan jirin). Taasi waxay keentay isbedelka maanta Puntland ka hirgalay. Hadda dib u xusuuso in khudbadii maalintii dhaway uu Dr Gaas baarlamaanka horjeediyey in wax qabadkiisa uu kudarsaday,  ka qaybgalka caano shub issin.

Baarlamaanka Puntland.

Bal wax kaloo laga filo ha joogtee iyagii baa suuqa iska mari l,a oo isku maagaya. Maanta ayaa waxaa jaraaidka iyo idaacadaha oo dhan tabiyeen in xildhibaan la yiraahdo Nuuradiin Cabdirashiid  iyo mid kale oo la yiraahdo Siciid Cagool, isku laayeen suuqa Garoowe  bartakiisa. Tani waa arin ugub ah, kana bixinaysa tilmaan cad Quality:ga dadka meesha la keensaday oo Qaar ka mida Issimadu ay ugusoo dagaalameen in ay danahooda u fuliyaan. Tusaalooyinka ugu muhiimsani waa fantasiyihii ka dhacay Qardho oo talevision:da oo dhami sidda tooska ah u baahinayeen iyo dadkii wadamada deriska ah iyo koonfurta iyo waqooyiga soomaliya dhan diyaardaha loogasa daabulay. Aad baan uga xumahay masibada Puntland ku habsatay.

Police:ka

Hab Dhaqankoodu waa, hab dhaqanka geeljiraha oo kale. Waxaa geeljiraha caado u ah marka ay caanaha geela ka dhergaan bay maagaan cid alaale cidii  ka hor timaada. Qofka ay maagayaani ama wax ha ka sameeyo ama yuusan ka samaynine. Xataa haday ka baqaan cidaa ay rabaan in ay maagaan iskama daayaane  waa tijaabiyaane oo waxay yiraah daan ” war yaa ma ila legdemaysaa? ” Goortay arkaan in ay leg,deen bay marka gawda kasaaraan.

Iyagu waa Police:ke waa la amraa oo sidii qormooyin hore loogu soo qaatayba, waxaa amra wiilal yaryar oo ama madaxtooyada qaraaba la ah ama xiriir la leh. Markaas bay ayagoon is waydiin maxay shuruucda Dalku ka qabtaa arintaas,  bay inta ordaan iska soo qabtaan dadka loo diray. Mar marka qaarna cidday arkaan bay dalaq kusiiyaan xabsiga.  Ileen waxay arkeen in sidii geeljirihii caanaha ka dhergey in ay ka awood badan yihiin ( ileen canshuurtii umadaa inta hub loogu iibshey, baabuur toban toban loo saaraye). Hadaad tiraahdid war soo sharciga raaci maysid, waxaa laga yaabaa in ayanba aqoon wax uu yahay. Tusaale ahaan anoo soo xiganaya wararka laga qoray in ay xildhibaan xireen waxaa  loo sheegay Taliye xigeenka Police:ka puntland in uu ninkan uu xirtay xildhibaan yahay marka hadii uu aqoon lahaa sharciga ma xiri lahaa? Oo laakiin waxaa is waydiin mudan, taliye xigeen ciidani ma in uu dadka jidadka ka qab qabtaa? Aaway dadkii lahaa shaqadaas? Waa waxa loo waayey police tayo leh, oo maxaad ka sugaysaa halka madaxdoodii ay jidadka ama local police station:ada ay ayagu joogaan. Sow xaajadu noqon mayso hadba meel uyaac?

Madaxwaynaha

Isaga quality:giisa ummada oo dhanbaa ayaantaan oo dhan ka sheekeynaysay  oo waxaan u daynayaa sharaxaadii ugu dambaysey ee Maxamuud togane kabixiyeyey (ka daalaco websideka  Puntlandes). Laakiin waxaan rabaa in aan wax yar kasoo qaato is khilaafka hadalkiisa iyo dhaqankiisa iyo waliba is khilaafka hadalkiisa oo kaliya. Sidda lala wada socdo wuxuu usbuucii tagay hor tagay Barlamaanka oo waydiiyey su,aalo.

Mar uu ka jawaabayey su,aal ku saabsanayd dastuuka iyo federal:ka.

Ayuu wuxuu yiri ileen fulay xantiisa ma moogee ( isagoo og in dawladii hore ku ad adkayd sharciga iyo difaacida danaha Puntland) buu yiri ” Hadii dawladii iga horeysey aysan danaha  iyo masiirka Puntland gorgortan ka keli jirin tayduna ka galimayso” bal eeg iyadoo aan daqiiqad ka soo wareegin  buu yiri ”waxaa dastuurka masuul ka ah Baarlamaanka Soomaalia iyagaa waxay rabaana kabedelin waxayrabaana kusoo kordhin kara”  waxaad moodaa in uuba taarikha Puntland:ba si uga dhacsan yahay. Marka lawaydiiyo xiriirkii go,naa ee puntland iyo Federalka waxa iska bedelay, wuxuu yiraahdaa mar waa go,an yahay iyadoo xataa wasiir federaalka katirsan oo shir Garoowe ku qabtay la, taagan yahay  oo markii Camera:dii iyo micraphone:kii isaga loo dhiibay ku jawaabay ”ma ogi xiriir go,an   oo soow tan aan wada joogno oo wada shaqaynayno”.

Mararka qaar wuxuu ku jawaabaa hadal heehaab ah oo aan meella haysan oo ah sidaan  innaga iyo dawladda dhexe!!! Kala qoqobnaanta wax baa inooga halaabaya, marka in saxaafada wax laysu mariyo mahaboona ee waa in lawada shaqeeyaa (oo yaa diiday taa?? Ma Puntland misse nimankan xamar joogaa wax walba ganafka ku dhuftay). Mar wuxuu ku jawaabaa gudi wasiiro ah baan u saarray oo iyagaa talo ka soo soosaaraya, waa  iyadoo aan la magacaabin cida ay yihiin, hadda xusuusnow in Puntland ay noqotay sidii halaq mareenkii oo kale, oo isla shaqayntii ayba caadi iska tahay oo wasiiradeenu Xamar maalin walba taagan yihiin oo wasiirkii Xanaanad Xoolaha Federalku booqasho dheer ku yimid Puntland. Haddana wuu badeley sababtii uu ku sheegay in loo sameeyey gudigii marinhabaabinta ahaa ee uu sheegay inuu u saaray,  ka soo talo bixinta waxa sababay go,idda xiriirka Puntland iyo federal:ka, wuxuuna u bedelay mar TV:ga somali Channel uu waydiiyey arrintaas, wuxuu u bedelay in gudigu uu yayah mid wada xaajood oo wuxuu ku jawaabay ”annaga dhinacayaga waa naga diyaar oo markii ay iyyagu soo diyaar garoobaan baan arkaynaa” taa kaddaloco waraysigii uu siiyey Somali channel intii uusan kadhoofin Boosaaso. Waxaa la is waydiinayaa maxaa si ah? Maxaa hadalkiisa ka dhigay mid aan mid haysan maxaase hadal kiisa iyo dhaqankiisa kadhigay mid is dhaafsan.

Madax wayne kuxugeenka iyo gudoomiha baarlamanka

Waxaa layiri kab ninkaad ka tolonaysid,  kuwiisaa la eegaa. Iyada quality: gooda waxaa laga garanayaa sida ay ula macaamilayaan quality:yada aan kor kusoo xusnay. Aamusnaanta iyo ku dhex jirka waxaan ay cid waliba arkayso oo ay umadii yaabka ammakaaga la argegaxsantahay,  baa ka turjumaysa sida ay iyana yihiin,  ileen waa tii hore looyiri ”waxaasaayaa! Ficil la,aan baa loo cadaabaa”.

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey

Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *