Madaxweyne Xasan Sheekh oo martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

16 Apr 2024 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatasha Qaran NCC oo la qorsheynayo in la qabto 20-21 April.

Shirkan ayaa Madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo dhowaan bayaan ka soo baxay Puntland kala laabatay dowladda Federaalka aqoonsiga, kuna dhawaaqday in Maamul ka madax bannaan dowladda Federaalka.

About The Author