Puntland oo dhistay hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland (PID)

09 April 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer madaxweyne ku aasaasay hay’adda aqoonsiga dadweynaha Puntland (PID).
Hoos ka akhriso Xeer Madaxweyne:
Boosaaso: 09 April 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 04 ee 9-Ka April 2025 kuna saabsan Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dhismaha Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland.
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waaxaa la dhisay Hay’adda Aqoonsiga Dadweynaha Puntland (PID).
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.