Wakiilada Beesha caalamka oo wadahadal layeeshay MD Axmed Madoobe

10 April 2025 (Puntlandes.com) Wakiilada Beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta wadahadal la yeeshay madaxweynaha
Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), iyagoo kala hadlay arrimaha
siyaasada Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo wareedyo kale duwan.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa u sheegay Axmed Madoobe in ay kala hadleen madaxweyne Xasan Sheekh qabashada shir wadahadal oo loo dhan yahay, ayna ka doonayaan inuu aqbalo
gogoshaas.
Sida xaqiijinayaan ilo wareedyo xogogaal ah, Axmed Madoobe ayaa sheegtay inuu tagayo
madal loo dhan yahay, oo ay joogaan dhammaan maamulada iyo Siyaasiinta
Soomaaliyeed oo kaliya, aysana tageynin madal ay joogaan Hoggaamiyayaal mudo
dhaaf ah ama shir lamid ah kii ay ka soo baxday Okt 2024kii.