MD Xasan Sheekh oo casuntay Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle & Gobalka Banaadir

10 April 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa casuumay Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle & Gobalka Banaadir, wuxuuna shirka ku casuumin Jubaland.

MD Xasan Sheekh ayaa shirka madasha wadatashiga u mudeeyey inuu dhaco 1da ilaa 2da bisha soo socota ee May, Jubaland na wuxuu uga reebay “Ma aqoonsani”

Wadahadalladaan oo ku yimi caadiska Beesha caalamka ayaa dowlad-goboleedyada qaar ku xireen shuruudo ay ka mid tahay goobta, goorta iyo in loo dhammaado.

Lama filayo inuu qabsoono shirkaan uu casuumadiisa uu madaxweynuhu iyadoo aysan Puntland ka qaybgeli doonin.

About The Author