Dawladda Soomaaliya oo fasaxday duulimaadyadii Doolow ee gobalka Gedo

11 May 2025 (Puntlandes.com) Dawladda Soomaaliya ayaa fasaxday diyaaradaha duulimaadyada ku tagi jiray magaalada Doolow ee gobalka Gedo. Cunaqabateyntii ay mudo dheer bulshada ku haysay DFS ka dib, waxaana warqada fasaxa qoray Wasiirka Amniga gudaha ee DFS.

Wada hadalo ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa lagu gaaray Is afgaradkan, iyadoo masuuliyiinta Doolow ay diideen in ay aqbalaan wax kasoo horjeeda Jubaland.

About The Author