Ciidanka Booliska Somaliland oo sheegay in gacanta ku soo dhigeen Liibaan Xuseen Al-Cadaala

11 May 2025 (Puntlandes.com) Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war kooban oo shaaciyeen waxay sheegeen in gacanta ku soo dhigeen Liibaan Xuseen Al-Cadaala oo ku eedaysan warar been abuura, kicin dadweyne oo ay in sheegeen in uu ku faafiyay baraha bulshada.

Liibaan Al-Cadaala ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa mucaaradkii madaxweynihii hore ee Somaliland iyo dhisidii madaxweynaha iminka Cabdiraxmaan Cirro.

Hoos ka akhriso qoraalka Booliska Somaliland.

“Ciidanka Booliska JSL ayaa Gacanta ku soo dhigay eedaysane Liibaan Xuseen (Alcadaala) oo ku eedaysan warar been abuura , kicin dadweyne , kuna faafiyay baraha bulshada.

Eedaha loo haysto eedaysanaha waxa kamida ah lacag uu sheegay in banka Qoolcaday lagu cunay. Waxaana degdeg loo horgayn doonaa Haayadaha Garsoorka”

About The Author