MD Xassan Sheekh oo berrito Muqdisho ku dhisanaya urur ay kujiraan Madaxda maamulada DG iyo Madaxda DFS

12 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa berrito magaalada Muqdisho ku dhisanaya urur uu u bixiyey Ururka Caddaalaxda iyo Wadajir (JSP).

Ururka oo markii hore loo qorsheeyey inuu Guddoomiye ka noqdo Ra’iisul Wasaare Xamse halka madaxweyne Xasan Sheekh uu noqon lahaa musharaxa Xisbiga, Xildhibaan Odowaana Xoghayaha Xisbiga taas ayaa waxaa la sheegayaa in madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen lagu soo dari doono.

Ururka yaa golihiisa dhexe waxa uu ka koobnaan doonaa Golaha Wasiirrada iyo xildhibaannada muxaafidka ee labada heer Dawladda Federaalka & Dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Khaatumo ayaa noqonaya Golaha dhexe ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Waxaa is waydiin leh dalkaan ma hirgeli karaa hal Xisbi inuu ka taliyo labada heer dawladda? Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalka dawlad dhiskiisii waxa uu ku wadaa burburin.

About The Author