Muuqaal: MD Axmed Madoobe “Golihii Kacaanka ayuu Muqdisho uga dhawaaqayaa sidii in la joogo 1976-kii bal Kacaanka Xasan xagee kataliyaa maanta, haddii layska joogayo Farmaajo maxaan ku haysannay?”

12 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wuxuu Madaxweynahu tilmaamay in jihada ay Soomaaliya maanta ku socoto aysan ahayn mid sax ah oo waafaqsan danaha ummadda, loona baahan yahay in si wadajir ah looga fekero mustaqbalka dalka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri “Golihii Kacaanka ayaa laysaga dhawaaqayaa sidii in la joogo 1976-kii oo Geeska Afrika loo taliyo bal Kacaanka Xasan xaggee ka taliyaa maanta, haddii layska joogayo Farmaajo maxaan ku haysannay? Ballantu waa doorasho in la aado.”
Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay ay wakhtigan baahida ugu weyn ee taagan ay tahay Talo Qaran oo mideysan, taas oo sal u noqota badbaadada iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in aan la aqbali karin qorshayaal hal dhinac ah oo lagu wiiqayo nidaamka Federaalka iyo Dastuurkii heshiiska heshiiska lagu ahaa.