Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay maamusho oo samaystay urur-siyaasadeedka JSP

13 May 2025 (Puntlandes.com) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Muqdisho ku shaaciyey urur uu u bixiyey Ururka Caddaalaxda iyo Wadajir (JSP), kaas oo uu ku hogaaminayo golayaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada uu maamulo ee Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo iyo gobolka banaadir.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa guddoomiye iyo musharax u ah, wuxuuna ku-xigeenno ka dhigtay Raysal wasaare Xamse, Madaxweynaha KG Laftagareen, Raysal wasaare kuxigeen Saalax & Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Xildhibaan Sacdiya Salaad, halka Xoghaye-guud uu ka dhigtay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka socda Galmudug.

Marka laga yimaaddo in xilalka lagu qaybsaday hannaanka 4.5 ee qabaailka waxa kale oo muuqata in Golihii fulinta iyo sharci-dejintii dalka ay urur-siyaasadeed wada noqdeen, tan oo siyaasiyiinta mucaaridka ah ay durba ku sifeeyeen Xisbigii Hantiwadaaga Kacaankii Soomaaliyeed, ee uu hogaamin jiray Allaha u naxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad, oo hor leh oo looga golleeyahay muddo-kororsi.

Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa muddo xileedkoodu dhamaaday sanado ka hor waxaana sifo sharcidaro ah meesha ku haya Xasan Sheekh, iyadoo HirShabeelle na uu dhawaan ka dhamaanayo.

About The Author