Dhagayso: C/kariim Dam Jadiid ”waxaan ka shaqaynayaa in Gobolka banadir noqdo dawlad xubin ka noqota Federaalka”

4 Agoosto 2015 (Puntlandes) C/kariim Xuseen Guuleed oo xubin aad muhiim u ah ka ah Kooxda DAM JADIID dhawaana ay Kooxdu ka dhigtay madaxweynaha maamulka Cadaado ee aan Dastuurka waafaqsanayan oo ka kooban Gobol iyo bar ayaa waxa uu ku dhawaaqay Rabitaanka Kooxda DAM JADIID, taasoo ah sidii caadada u ahayd Kooxda Dastuur ku tumasho Dastuurkii ummaddu ku heshiisay, oo ah inay Xamar ahaato Caasimada Soomaaliya iyo Dawlad xubin ka ah Federaalka Soomaaliya si ay Kooxdu ugu sahlanaato 2016ka.

C/kariim waxa uu ku doodayaa inay Dastuuri tahay sidii uu ay doodayeen inay Gobolka Nudug ka goostaan ama ka BOOBAAN dawladda Puntland inay Dastuuri tahay!! CAJIIB Ayuu wuxuu ku doodayaa inay Dastuuri tahay in Xamar Dawladna ahaato Caasimadna ahaato!!!! CAJIIB oo yaaba u diidi kara?

Dhagayso C/kariim


Puntlandes.com

About The Author