FAALLO: Dawladda PL ”Dowladda Puntland Qayb kama ahayn Shirka…. Laakiin Warsaxaafadeedkii soo baxay waan taageersanhay”

22 Sep 2015 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa ilaa xalay, markii ay soo baxday natiijada shirkii wadatashiga ee Xamar ka dhacay, waxaa kasoo baxayey hadalo iska daba iyo hor imaanyana micnaha ugu wayn ee laga leeyahayna uu yahay sidii caadada ahayd Xukuumadda GAAS in la qaldo Shacabka reer Puntland.

Bal halkee iska gashaa War murtiyeedkii kasoo baxay Villa Somalia ma diidanin, Puntland na shirka kama aysan qayb gelin oo banaankaan ka joognay? Soow si cad uma muuqato BEENTA ay la wareegayso Xukuumadda GAAS!!! CAJIIB

Afhayeen dowladda Puntland  Quraan jecel ayaa sheegay in Puntland codsatay in la saxo waxay dalbatay 14ka oktoobar oo shir kale la isu imaanayo, wuxuuna ku dhawaaqay inay Puntland ta GAAS ay aqbashay inay kasoo qayb gasho shirka oktoobar 14keeda!!!!.

Waxaaba waxaas oo dhan kasii daran Quraan jecel oo xalay sheegay inay Puntland ogolaatay inuu Wasiirka DAMUL JADIID ee ODOWAA uu hago sida looga baxayo 2016ka!!!!CAJIIB

Warbaahinta Puntlandes waxay leedahay ”BAROORTU ORGIGA KA WAYN” shacabka reer Puntland intaad qaldi karteen oo aad BEEN u sheegi karteen Isbedeldoonka GAASOW samayse, tana la idinka qaadan mayo.

87

Ma sidan ayey la tahay Kooxda GAAS in shacabka reer Puntland ka qaadanayo:

  1. Puntland: 5 xubnood (Gobolada Sool, Sanaag, Bari, Nugaal, Mudug iyo Cayn)
  2. Maamulka CADAADO: 5 xubnood (Koonfurta Mudug iyo Gobolka Galgaduud oo uusan ka talin)
  3. Gobolka Hiiraan 2 xubnood
  4. Gobolka Sh. Dhexe 2 xubnood
  5. Gobolka Banaadir 3 xubnood

Waa inay haday shacabka Puntland matalaan Xildhibaanada Puntland ay la xisaabtamaan GAAS, Puntland wuu u dhameyey GAAS maanta maamul beenaadka CADAADO oo aan dad iyo dhulba haysan Gobol iyo Nus ayaa ka fiican oo kaga guulaystay Shir ku sheegii PUNTLAND lagu khiyaanay ee Xamar GAAS uu u tagay.

Dhagayso Qaylada iyo hadalada iska hor imaanaya ee afhayeenka dowladda Puntland.


Puntlandes.com

 

About The Author