Han weynaan ama han yaraan waxaa  loola  jeeda hadba  wuxuu  qofku ku qanco  tusaale ahaan haddii  hankaagu yahay inaad xukunto   Qaaradda Africa , kuma qancin karato inaad xukunto  Xaafad ama hal Beel ama  Hal Gobol..

Hankaagu haduu yahay  inaad   mideyso  Qaran  kuma qanci kartid Qabiil, hankagu hadduu yahay inaad  raadiso Qaran kuma qanci kartid  qoys kaliya..

Tusaale kale haddii aad  hankaagu yahay  ama aad ku qanacsan tahay  inaad xukunto hal Tuulo,  laakiin laguu dhiibo   labo tuulo aad ayaad  ugu qancaysaa  waayo   hankaagu  waa hal Tuulo

·        

           Soomaalidii  hore  ayaa  ku maahmaahday “

·         Reer Seddex baa hoog u ah, seddex-baase hoog labbaada

·         Hoggaan xumo ayaa hooga haddii ay odayga gashaa hoog labbaada.

·         Hanyari  ama hawo  gaabni ayaa hooga haddii ay hogganka gashaa hoog labbaada

·         Hunguri xumo ayaa hooga , haddii ay (Habarta) gashaa hoog labbaada..

 

Micnaha  maahmaahyadaas  waxay caddeynayaan   hanyaridu inay tahay hoog iyo halaag  sidookalena hoggaanka  haddii ay kaa gasho  ayaa ka sii daran  waayo ummad aan hoggaan waanaagsan lahayn  waxay ku dambaysaa  baa`ba  iyo tariikh madow..

 

Soomaali  bari ayeey ahayd  dad hanweyn  oo iskala wayn  asaagood  waxay,ahaan jireen dad    astura ceebahooda  oo   xitaa haddii  naftu dhaafayso an laga daremi jirin si ay u ilaaliyaan sharaftooda iyo qaranimadooda   waana  tii ay ku maahmaaheen,,  Haddii aad  dhimanayso  dhareerka waa la iska duwaa), Soomaali  waa bay han lahayd laakiin maanta  xaggee   hankii Soomaalidu  joga  siiba hoggaamiyayaash Soomaalida?..

 

Sidookale  waa  kuwii lahaa  Cadawgaaga  dhuux  sagaaro ayaa loogu dhaashtaa),  ayaga` oo ula jeeday  waliga Hankaagu ha sarreeyo  hana is hoosdhigin ninka  ku farxaysan jabkaaga  iyo tafaraaruqaaga), ama kala qeybsanaantaada  maanta se waxaan ku faana kala qaybinta dadka Soomaalida   soo hanyari mahan?..

 

Waxaan  maalin dhawayd  daawaday xaflad  ay isku yimadeen   hoggaamiyayaasha Soomaalida intooda badan  waa la isku qoslayaa  waa la isa salaamaya laakiin qalbigoodu  waa kala jeeda  waxaa  dhexedda  ugu jira oo  sidii nin dulaala midba gaar ula faqaya   siyaasi kale oo reer Itoobiya  siyaasiinta iyo higgaamiyayaasha Soomaalidu   waxay  ku qanacsan yihiin  oo hankoodii noqday in wiilka Itoobiyaanka  uu, u kala dabqaado,  Bal si dhabka u eeg  waxaa  loo kala  turjumayaa waa Soomaali,  waxa  halkaas dhigay  hoggaamiyayaasha Soomaalida waa  hanyari..

 

 Soomaaliya waa dad muslima isku luuqad  ku  hadla is wada yaqaan isku wada jinsiyadda  haddana leh dhulka Adduunka ama  carro edag ugu qanisan  haddii ay noqon lahayd  khayraadka dibiiciga haddii ay noqon lahayd xoolaha nool, baddaha ku xeeran, iyo Wabiyadda aadka u waweyn , waxaase  curyaamiyey  hanyari”  hanyari waa hoog”..

 

Haddana  Soomaaliya waa dadka  ugu dambeeya   adduunka qarnigaan 21,naad  haddii ay nqon lahayd  dhaqaalo   midnimo  talo wadaag  iyo qaranimo  intaba  adduunka waa ka dambeeyaanna  waxaana halkaas  dhigay waa  hanyari  hogaamiye  kasta  oo Soomaaliyeed  manta wuxuu  ku qanacsan yahay   inuu qarankiisii  waddankiisii iyo  sharaftisii  u daba  fariisto wiil asaagiisa, Nin hanyari ma  hana qaado hara loo yiri..

Musuqmasuqa  khiyaanada iyo  maamul xumada ayaa waxay  noo noqotay hooy  aan  can ku noqonay  qarnigan,   waxaa  na  maamula oo turjumaan  noo kala ah  haddii aan Soomaali nahay, Itoobiya, iyo Kiinya,  waxaan garay xili  an  shisheeyaha   ugu yeero   dawladdaha walaaleheenna  laakiin qofkja Soomaaliyeed aan ugu yeero cadawgeenna..

 

Qaranimadeennii  waxaan dhaafsanay   hanyari, ninka Soomaaliga  ee  manta matalaya Hoggaanka  dadka  Soomaalida  meel kasta ha jogee  wuxuu  ku qanacsan yahay   waxa  ka yar hal gobol ama labo gobol, inuu maamulo  oo  uu dhaafsado dhammaan sharaftii iyo qaranimadii Soomaaliyeed,  goormay  soo bixin  doonaan   wiilal iyo hablo mideeya dadka Soomaaliyeed? Hankooduna  ka tarjumo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

21

 Midnimadu waa guul

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada

About The Author