SAWIRO:-Hogaamiyaha Qurba-joogta Puntland ee Qaarada Yurub oo Goor Dhow Lagu Doortay Dalka Finland Sep 27, 2015 – jawaab

28 Sep 2015 (Puntlandes) Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 27.09.2015, magaalada Helsinki lagu doortay Gudoomiyaha Guud ee Dalada Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub, waxaana loo doortay Maxamed Cabdulle Moosil oo ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Dalka Irland.

Doorashasan oo ay isku soo taageen xubno badan oo kala matalayay Jaaliyadaha Puntland ee Qaarada Yurub ayaa waxaa codeeyay Wakiilada Jaaliyahada Puntland ee Qaarada Yurub sida Jaaliyada Norway, Holland, Finland, Irland. Denmark iyo Ingriiska , waxaana ugu danbeyntii isugu soo haray Hanad Boqor oo ah Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Puntland ee Finland iyo Maxamed Cabdulle Gudoomiyaha Jaaliyada Irland.

91e

Gudiga Doorashada oo uu Madax u ahaa Wariyaha Maxamed Teera ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codbixinta waxaana labada Musharax ay cododka u kala haleen qaabkan.

HANAD BOROR CABDULLAHI 3 COD
MAXAMED CABDULLE 12 COD

Hadabada intaas Kadib ayaa Gudiga Doorashada waxa ay ku dhawaaqeen natiijada codbixin iyagoo sheegay in Maxamed Cabdulle uu noqday Gudoomiyaha Dallada Qurbajoogta Puntland ee Qaarada Yurub.

Madasha waa ay camirneed waxaana goobjoog ka ahaa mas´uuliyiin iyo shacab, waxaana qadka telefoonka ugu soo qeyb galay Cali Maxamed Geedioo horey u soo ahaa Wasiirka 1aad ee Xukuumadii Cabdullahi yuusuf iyo Cabdullahi quraan-jecel oo ah Afhayeenka XUkuumada Puntland.

sidoo kale Masuuliyiinta ka soo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Ismaaciil Baydhabo Wakiilka Gaarka ah ee Puntland u qaabilsan dalalka Iskaandanefiyanka, Cabdicasiis Xidlhibaan, Muna Diyaano iyo Masśuliyiin kale.

Cabdirisaaq Axmed Dimcad
iyo Cabdiqani Cali Dalmar
Warbaahinta Umada News
Helsinki-Finland

12077468_807008836076752_1872016193_n

IMG_3153

IMG_3151

IMG_3154

IMG_3156

IMG_3160

IMG_3161

IMG_3162

IMG_3163

IMG_3164

IMG_3166

IMG_3168

IMG_3169

IMG_3171

IMG_3172

IMG_3173

IMG_3174

IMG_3175

IMG_3176

IMG_3180

IMG_3184

IMG_3185

 

About The Author